Soomaaliya oo qarka u saaran inay lumiso xaqa codeynta QM

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa kaga dhawaaqay Magaalada New York in Soomaaliya  ay ka mid noqotay 7 dal oo ka mid ah Qaramada Midoobay oo qarka u saaran in ay waayaan xaqa codka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Afhayeenka ayaa sheegay sababta ay tahay bixin la’aanta dhaqaalaha xubinimada oo ay la daaheen.

Waxa uu sheegay in dalalka kala ah  Comoros, Sao Tome iyo Principe ay go’aansadeen Oktoobar inay ilaalin karaan codkooda ilaa bisha Sebtember.

Golaha guud ayaa ka kooban 193 dal, waxaa kaloo ka mid ah dalalka arrintan saameynayso Venezuela iyo Lebanon.

Xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in xubintii muddo 2 sano ah bixin weyda dhaqaalaha aanay ka codeyn doonin golaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka lagu dhawaaqay in ay Qarka u saaran tahay in ay lumiso codeynta Qaramada Midoobey, waxaana la siiyay digniin ku aadan in ay soo gudbiyaan caqabadda heysta , maadaama uu waqtigu ka dhacay.