Xeer ilaaliyaha Puntland “Waraaqdii ka dhineyd fulinta xukunka kiiskii caa’isho Ilyaas maanta gudbinay”+VIDEO

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan, oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Magaalada ayaa sheegay inay u gudbiyeen Maxkamadda Sare warqaddii dhaxal-koobka ee hor-taagneyd fulinta xukunka Kiiska Caa’isho Ilyaas Aadan.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay u moodayeen in waraaqdaas ay horey u heysatay Maxkamadda sare ee dowladda Puntland, balse ay saacadihii ugu dambeeyay ogaadeen in Maxkamaddu aysan heyn, kaddib markii uu saxaafadda u sheegay Sii-hayaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa si kulul u cambaareeyay waraaqo lagu baahiyay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay, isagoona tilmaamay in waraaqahaas oo ay hayeen saddex xafiis oo kaliya, lagu sameyn doono baaris sida ay u baxeen ayna tilaabo ka qaadi doonaan xafiiskii iyo cidii bixisay.