Xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la dhaariyay+Sawirro

Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa galabta lagu dhaariyay magaalada Dhusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Maalintii shalay ayaa guddiga doorashada ee maamulka Galmudug uu shaaciyey liiska 83 xildhibaan oo noqonayo xubnaha soo dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug.

Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid xildhibaannada cusub ee Galmudug, isagoona sheegay inay la xisaabtami doonaan kuwii soo saaray Liiskan.