Booliska Malaysia oo joojiyay hadal uu jeedin lahaa CC Warsame

Booliska Malaysia ayaa joojiyay munaasabad soo dhaweyn ah oo Magaalada Kuala Lumpur, loogu sameyn lahaa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadajir, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalkaas.

Booliska ayaa sheegay in safaaradda Soomaliya ee dalka Malaysia ay ku war-galisay in Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu dallka Jarmalka ka jeediyey khudbad uu diinta islaamka wax kaga sheegay, sidaas darteedna ay jiraan dad badan oo islaam ah oo u careysan.

Hase-yeeshe, Siyaasi C/rixmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in munaasabadan ay u qabsoomtay kaddib markii ay la kulmeen saraakiisha Ciidanka Booliska Malaysia, ayna ku war-galiyeen in warbixin khaldan la siiyay.

Mr. Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargelisay in aan ahay danbiile baaritaan dalkiisa uga socda, Islaamka u gefey, fatwana la iga soo saaray, la iina diiday in aan dalal badan oo Islaam ah hadal jeedin ka sameeyo”

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadajir, ayaa si weyn u dhaliila hab-dhaqanka Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo, taas oo horey u weerartay guriga Siyaasiga, sidoo kalena u joojisay kulamo uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho.