Ciidanka Dowladda oo howlgallo ka sameeyay qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho

Ciidamo katirsan Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyey inta badan xaafadaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa gudaha u galayey qaar kamid ah guryaha ku yaalla degmada Boondheere, iyagoo baaritaan ku sameynayey, Ciidamada ayaana intii howlgalku socday qab-qabanayay dhalinyarada xaafadaha degmadaas, kuwaas oo markii dambe intooda badan ciidanku sii daayeen.

Sidoo kale, Ciidamada Booliska ayaa markii uu soo idlaaday howlgalkooda, waxay horay u sii ka xeysteen dhalinyaro fara ku tiris ah oo loo maleynayo inay uga shakiyeen falal amaanka liddi ku ah.

Ciidanka Dowladda ayaa habeenadii ugu dambeeyay howlgallo is daba-joog ah ka sameynayay xaafadaha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Ciidamada ayaana howlgaladoodaas ku qab-qabtay xubno looga shakisan yahay inay lug ku lee yihiin falalka amamaan-darro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho oo todobaadyadii dhaafay ay hareeyeen weeraro dhiig badan ku daateen.