Puntland oo digniin kasoo saartay Roobab dabeylo wato oo kusoo wajahan degaanada xeebaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland ayaa uga digntay Dadka kunool degaanada Xeebaha, inay ka digtoonaadaan Roobab dabaylo wata oo Kusoo food leh xeebaaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa lagu sheegay in dabeylahan oo ku socda xawaare sare oo ah 36-KM/H ilaa 40-KM/H, ay ka dhacayaan baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas.

Roobabka dabeylaha wata ayaa saameyn doona Degmooyin ay kamid yihiin Bargaal, Isku-shaban, Eyl iyo Boosaaso, sida lagu muujiyay sawir ay soo dhigtay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Dabaylahan ayaa kasoo kacintimay dhinaca waqooyi galbeed ee baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas, iyagoona kusii jeeda dhinaca bariga, waxaanay cumiladu saadaasha Hawada ay sheegeen in muddo sadex cisho ah 12-14 Jan-2020 ay kusoo food lee yihiin Xeebaha Puntland, sida ay baahisay Wasaaraddu.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa uga digtay kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda in aanay gelin badda sadexdaas cisho ee ay baddu aadka u kacsan tahay.