Trump oo cusbooneysiinaya Xayiraadda Socdaalka ee dalal ay kamid tahay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa dhawaan in uu saxiixo ama muddo sanad ah uu ku kodhiyo xayiraada dhanka socdaalka oo uu horey u saarey muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah oo ay Somaaliya qeyb ka tahay.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo looga arrimiyo dalkaas ayaa laga hadal-haayaa in muddo hal sano ah oo dheerad ah uu ku kordhin doono xayiraad dhinaca sodaalka ah oo la saarey muwaadiniin kasoo kala jeeda lix dal oo kala ah, Iiraan,Libya Siiriya,Soomaaliya, suudaan & Yemen.

Xubno ku dhow dhow Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in qorshaha Madaxweyne Trump ee uu ku cusbooneysiinaayo xayiraada socdalka ee dalal kamid ah kuwa Islaamka ay tahay markii Saddexaad,isla markaana uu dhawaan saxiixi doono.

Madaxweyne Trump ayaa sharciga lagu xayiray inay dalka Mareykanka socdaal ku tagaan muwaadiniinta lix dal oo muslimiin ah waxaa uu markii ugu horeysay saxiixey 27-kii Bishii Janaayo sanadkii 2017,kadib markii uu talada dalkaasi la wareegay.

Qorshaha Madaxweyne Trump ee uu xayiraada socdaalka ah ku saaray dalalkaas ayaa ahaa ololihiisa koowaad ee markii uu ahaa Musharax Madaxweynaha Mareykanka, in kastoo uu cadaadis la kulmayay ayaa hadana waxaa dhaqan galay damiciisa,kaas oo markale uu cusbooneysiinaayo sanadkii Saddexaad.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in qorshihii Trump ee socdaalka xayiraada wadamada Islaamka uu nabad ka dhigey dalka Mareykanka,waxaana uu Madaxweyne Trump uu ku amaanay qaadashada Go’aankaas