Tsai ing-wen oo mar labaad ku guulaysatay hogaaminta Taiwan

Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa mar labaad ku guuleysatay xilka dalkaas, iyadoo doorashada Taiwan ay hareysay xiriirka ay jasiiraddu la leedahay Shiinaha.

Codadkii la tiriyay, Ms Tsai waxay ka heshay 57%, iyadoo aad uga horreysa ninka la tartamayay ee Han Kuo-yu.

Ms Tsai ayaa ka soo horjeedda xiriir dhow oo lala yeesho Shiinaha, halka Mr Han uu rumeysan yahay in xiriir lala yeesho Shiinaha uu sare u qaadayo dhaqaalaha dalkaas.

Khudbaddii ay jeedisay, Ms Tsai ayaa waxay u sheegtay Shiinaha inuu ka tanaasulo hanjabaaddiisa ah inuu jasiiradda si xoog ah u soo ceshan doono.

Weriyaha BBC John Sudworth oo ku sugan Taiwan ayaa sheegaya in natiijada doorashada ay dharbaaxo weyn ku tahay Beijing. Damaceeda ah midow ballaaran oo Shiinuhu yeesho ayaa si weyn loo qaadacay.

Ms Tsai ayaa shir jaraa`id ka tiri: “Taiwan waxay dunida tusineysaa sida aan u jecel nahay inaan dimuqraadiyad ugu noolaaddo iyo sida weyn ee aan u jecel nahay dalkeenna”

Shiinaha ayaa sheegay inuu maamulo Taiwan tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Shiinaha sanadkii 1949. Waxay sheegtay in Taiwan ay tahay inay qasab ku aqbasho dib ula midoobidda Shiinaha, haddii kalena xoog loo adeegsan doono.