Xasan Keynaan Xalane oo loo doortay Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Galmudug

Xildhibaannada Cusube ee Baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug oo maanta kulankoodii ugu horeeyey ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa doortay Guddoomiye KMG ah Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo ah xildhibaanka xilligaan ugu da’da weyn baarlamaanka Cusub ee Galmudug .

Kulanka Xildhibaannada Galmudug ayaa sidoo kale isaga soo xuleen Guddi doorasho oo nidaamiya hanaanka ay u dhaceyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, kaas oo ka kooban 15 xubnood, oo 6 kamid ah ay ka socdaan dhinaca xildhibaanada Ahlu-sunna, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Dhuusa-mareeb.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane ayaa waxaa uu xilka heyn doonaa ilaa ay xildhibaannada ka dooranayaan gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda Maamulkaas.