Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo kulankoodii ugu horeeyey yeelanaya maanta.

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshaan Magaaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulkaas, kaddib markii la dhaariyay shalay.

Xildhibaanada ayaa kulankooda uga hadlaya Arrimo ay kamid yihiin Doorashada Guddoonka, waxaana si KMG ah ay shir guddoon ugu dooran doonaan maanta qofka ugu da’da weyn ilaa iyo inta ay ka dooranayaan Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa dhexdooda iska soo xuli doona Guddi doorasho, kaas oo asteeya hanaanka iyo habraaca doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey, waxana sidoo kale halkaasi ka socda kulamo xasaasi ah iyo loolan loogu jiro kamid noqoshada lixda Xubnood ee ka harey Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee looga dhawaaqay Dhuusamareeb ayaa kusoo aadaya xilli uu qaadacay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, isagoona ku tilmaamay mid been abuur ah oo lala xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay.