Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay 4 Ruux

Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degaanka Sablaale ee Gobalka Shabeelaha Hoose ku toogtay Afar ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dowladda Soomaaliya.

Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa;

1: Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Maamulka degmada Kuntuwaareey uguna Magacaawnaa dhirta iyo daaqa.

2: Xassan Cusmaan Cali (Abayle) oo ay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ka howlgalla.

3: Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) ayay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda,isla markaana ay qabteen,isaga oo ku wajahnaa degmada buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

4: Xuseen Xassan Geelle oo ah ninka Afaraad ayaa Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya,isla markaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhow degmada Qoryooley ee G/Shabeellaha Hoose.