Dibad-baxyo maalintii labaad ka soconaya Iran

Hogaamiyaasha dalka Iran ayaa wajahaya maalintii labaad dibad baxyo xoogan oo ay dadku kaga soo horjeedaan diyaaradii ay milatariga dalka Iran soo rideen, taas oo ay ku dhinteen 176 oo ruux oo saarnaa.

Dibad baxyada ayaa ka soconaya magaalada caasimada ah ee Tehran iyo dhawr magaalo oo kale.

Meelaha qaar waxaa lasoo wariyay in ay isku dhaceen dibad baxyaasha iyo booliska.

Dowladda Iran ayaa qiratay in si kam ah ay usoo riday diyaarda dalka Ukrain mar ay dul mareesay meel u dhaw garoonka caalamiga ah ee Imaam Khumeeni.

Dibad baxyada rabshadaha wato ee kasoconaya dalka Iran ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareereeso xiisada kala dhaxeeso dowladda Mareykanka. Tan iyo markii ay diyaarada Mareykanka ay duqeen ku dileen General Khaasim Suleemaani oo ahaa hogaamiye sar oo katirsanaa dowladda Iran.