Musharax Odawaa “Baarlamaanka Galmudug ha la madax-baneeyo”+VIDEO

Musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Dhuusa-mareeb, ayaa sheegay in cabasho badan ay ka jirto arrimaha la xiriira doorashada Galmudug iyo qaabka loo soo xulay Baarlamaanka,hayeeshee ay u tanaasuleen danta dadka Reer Galmudug.

C/rixmaan Odowaa ayaa eedeyn u jeediyey Guddiga farsamada & dhismaha Galmudug, isagoona ugu baaqay in Guddiga doorashooyinka guddoonka Baarlamaanka ay u madax baneeyaan howlaha socda.