Ra’iisulwasaare Kheyre oo amray in Liiska Shaqaalaha rayidk ah ee Dowladda laga saaro 803 qof (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Puntland Xil. Sadiq Xirsi Warfaa, ayaa lagu sheegay in Liiska shaqada shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda laga saarayo ama laga hakinayaa mushaarkooda 803 shaqaale oo hadda kujira Liiska Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waraaqdan oo si hoose loogu  saxaafadda ayaa lagu muujiyay meelmarinta go’aanka golaha Wasiirada ee tirsigiisu yahay SHGW.00.84.10.19 kuna saabsan Ansixinta qaraarka tira-koobka madax-tirinta Shaqaalaha Rayidka ee dowladda iyo hirgelinta xeer Ra’iisulwasaare oo tirsigiisu yahay 086 oo Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha loogu xilsaaray fulinta go’aanka shaqo kasaaridda iyo beddelidda 803 oo shaqaale ah ayaa lagu xusay in faahfaahin kusaabsan tirada shaqaalaha lumin doona shaqadooda iyo sababaha.

21 shaqaale waxa lagu sheegay in ay geeriyoodeen sidaas awgeedna si degdeg ah looga saarayo Liiska shaqaalaha rayidka laguna beddelayo shaqa-sugayaal kale oo 15 kamid ah oo hadda diyaarsan lashaqo-gelinayo.

120 shaqaale ayaa lagu xusay qoraalka in ay in ay yihiin shaqaale cillan ama maqan sidaas awgeed iyagana waxa laga saarayaa Liiska shaqaalaha rayidka, waxaana lagu beddelayaa shaqa-sugayaal kale oo 34 kamid ah oo hadda diyaarsan lashaqo-gelinayo.

43 Shaqaale waxaa lagu sheegay qoraalka in ay yihiin laba-mushaarlayaal laba meelood kaqaata Mushaar,  sidaas awgeed iyaga shaqada lagama saarayo balse si degdeg ah ayaa looga joojinayaa labada Mushaar, waxaa laga soo celinayaa Mushaarka ay sida khldan u qaateen kaddibna laba shaqo middood ayaa laga ruqseynayaa.

230 shaqaale oo fasax ama siyaalo kale u maqnaa xilligii la sameynayey tira-koobka shaqaalaha Rayidka dowladda waxaa bishan January-2020 laga hakinayaa Mushaarka, waxaana la fasaxayaa Mushaarkooda sida lagu xusay qoraalka marka guddiga shaqaalaha Rayidku ka keeno Warbixin dhammeystiran, muddada xayiraadda Mushaarka shaqaalahaasi waxa ay noqon kartaa 3 bil laga billaabo January-March-2020.

389 shaqaale oo lagu sheegay QOraalka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha in ay howlgeb yihiin (2018-2020) waxa lala suagayaa inta laga dhammeystirayo xeerka iyo siyaasadda howlgebka ama looga helayo xaq-celin.

Sidoo kale, Musuuliyiin kamid ah Wasaaradda ayaa inoo sheegay  Madaxda Wasaaradaha iyo xarumaha shaqada dowladda qaarkood ay wadaan qorshe ay shaqaale hadda shaqeeya shaqada uga saarayaan si ay u shaqaaleystaan qof kale oo ay leeyihiin xiriir qaraabo, mid qabiil iyo xitaa mid saaxiibtinimo.