Xanuuno aan la garanayn oo ka dilaacay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Xanuuno dhakhaatiirtu la yaaban yihiin ay ka dilaaceen magaaladaaas, waxaana Isbitaaladu ay la ciir ciirayaan dad ay soo riteen xanuunadan.

Dadka xanuunadu soo riteen oo u badan Caruur ayaa ah kuwa matagaya dhiig, sidoo kalena dhiig saxaroonaya, dhakhaatiirta ayaana la tacaaleysa xanuunadan oo ay ku wareersan yihiin, sida uu noo xaqiijiyay mid kamid shaqaalaha Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Dhiigag iyo dheecaano ayaa dhowr ilmood laga qaaday, si baaritaan loogu soo sameeyo xanuunkan, waxaana loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.