Akhriso: Shuruudaha xilka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyey

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Mamulka Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay shaaciyeen Shuruudaha laga doonayo qofka u tartamayo Xilalka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Shuruudaha Guddiga ay soo saareen oo ka kooban 8 Qodob ayaa waxaa ugu muhiimsan in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaannada Galmudug,sidoo kalena heysta Shahaadoi Jaamacadeed ama wax u dhigma.

Sidoo kale, shuruudaha ayaa waxaa kamid ah in ugu yaraan in uu leeyahay Shansao oo khibrad hoggaamin maamul ah iyo uusan gelin fal dambiyeed uu ku muteystay Xukun Maxkamadeed.