Booliska Puntland oo soo bandhigay xashiis ay qabteen (VIDEO)

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe kusoo bandhigay duubab Xashiish ah oo laga helay gaari xamuul ah, oo laga qabtay Kantaroolka “Laac-dheere” ee Duleedka galbeed ee Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Xashiiskan oo gaarayay 12 xirmo, ayuu sheegay wadaha gaariga lagu qabtay oo lagu magacaabo ‘Maxamed Ismaaciil Seeraar’ in laga soo saaray magacaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana uu intaas ku daray in loogu sheegay inay yihiin juwaanada xashiiskan uu ku jiray tubaako caadi ah, uusana iska fiirin.

Daawo Gaariga xasaashka lagu qabtay.

Af-hayeenka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in gaariga xashiiskan lagu qabtay iyo darawalkiisa ay u gudbin doonaan Maxkamadda, si loogu qaado wuxuu sharcigu ka qabo. 

Sidoo kale, Af-hayeenka Ciidanka Booliska Puntland ayaa uga digay dadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha, waxaana uu sheegay in Boolisku ku daba-joogaan, isagoonka ugu  baaqay darawalada Gaadiidka inay iska hubiyaan waxa ay soo qaadayaan, maadama ay dhici karto in mararka qaar lasoo saaro Qaraxyo.