Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe oo yeelanaysa dhisme casri ah (VIDEO)

Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa yeelanaysa dhisme cusub oo casri, kaas oo ka kooban dhismayaal saddex ah oo min afar dabakh ah, sida uu shaaciyay maanta duqa Caasimadda  Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre).

Guddoomiye Axmed Barre ayaa sheegay in dhismayaashan casriga ah ay ku baxayso lacag dhan Labo milyan oo dollarka mareykanka ah, ayna hadba dhisayaan qeyb, ayna sanadkaan bilaabayaan qeybta ugu horeysa.

Ugu dambeyntii, duqa Caasimadda  Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa sheegay in baahida loo qabo goobo balaaran oo loogu adeego shacabka Caasimadda, ay keentay dhismahan.