Dowladda Soomaaliya oo abaal-marin ku bixinaysa qabashada 5 xubnood oo Al-Shabaab ah (Magacyada+Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada 5 xubnood oo kamid ah Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo iyaga oo maqan ay Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay 31-dii bishii Decamber ee sanadkii tagay ee 2019, ku riday xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa’in.

Dowladda ayaa sheegtay in qofkii u soo gudbiya macluumaad la xariira ragan Hay’adaha ammaanka Dowladda la siin doono abaal-marin lacageed, taas oo aysan Dowladda Soomaaliya sheegin cadadkeeda.

Xubnaha kamid ah Ururka Al-Shabaab ee Dowladdu shaacisay Magacyada iyo sawiradooda, ayaa waxaa kamid ah;

  1. Ramadaan C/rixmaan Mursal, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun dil ah.
  2. Sharmarke Cumar Axmed, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun dil ah.
  3. Cabdiraxmaan Mustafe Sh. C/llaahi, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun dil ah.
  4. Cabdullaahi Kuusane, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun dil ah.
  5. Cabdinaasir Axmed C/qaadir, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun xabsi daa’im.