Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo shir uga furmay Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Baydhabo Maanta ka furey Shir looga hadlayo Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Maamulada Hir-Shabelele iyo Koonfur Galbeed.

Shirkaan oo ay Goobjoog ka yihiin Madaxweynayaasha labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qosheynta Koonfur Galbeed & Midowga Yurub,waxaana diirada lagu saarayaa horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana Shirka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub.

Madaxweyne laftagareen ayaa Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubnaha wafdiga Midowga Yurub uga mahad celiyey doorka weyn oo ay ku leeyihiin shirkaan,isaga oo sheegay in la xoojin doono wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo horumarka ee labada maamul.

Mid kamid ah Safiirada Midowga Yurub ee shirka ka qeyb-galaya ayaa sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin inay dowlad Goboleedyada ka caawiyaan wixii ku saabsan arrimaha Amniga iyo horumarka.

Shirkaan oo socon doona muddo hal maalin ah ayaa waxaa la filayaa in geb-gabada laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga hadley ee dhinaca horumarka iyo iskaashiga ka hortegida fatahaada Wabiga Shabeelle.