Hoggaamiyaha mucaaradka Liibiya oo isaga baxay wada-hadaladii Raashku

Taliyaha ciidamada mucaaradka dalka Liibiya Khalifa Haftar ayaa ka tagay magaalada Moosko isagoo aan saxiixin heshiis isku day ah oo la doonaayey in lagu sameeyo xabad joojin wax  ka tarta dagaalada ka holcaya dalkaasi ,sida laga soo xigtay Wasiirka Arimaha \Dibadda ee Raashiya.

. Kadib saacado wadaxaajood ay soo qaban qaabiyeen Ruushka iyo Turkiga, Haftar ayaa fiidnimadii Isniinta wuxuu codsaday ilaa subaxa Talaadada inuu fiiriyo heshiiskii ay horay u wada saxiixeen Fayez al-Sarraj, oo ah Madaxa dowladda ay aqoonsaday Qaramada Midoobay.

Ilo wareeedyo laga helay Liibiya ayaa xaqiijiyey bixitaanka Haftar,iyadoo qabyo-qoraalka heshiiskaasi uu diiday ay ka maqan yihiin dalabyo badan oo ciidanka Liibiya ah,” ayuu yiro “Haftar oo u waramay  telefishanka Al Arabiya.

Ma jiro wax horumar ah oo ka soo baxay wadahadallada aan tooska ahayn ee u dhexeeya kooxaha ku dagaallamaya gudaha dalkaLiibiya.