Jubbaland: DFS waxay hurinaysa dagaal sokeeye oo ka dhaca dalka (War-saxaafadeed)

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa looga hadlay faragelinta ay Dowladda Federaalka Soomaliya ku hayso gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland, waxaana ay ku eedeysaay inay ku howlan tahay Dowladda Federaalku dagaal sokeeye oo ka dhaca degaanada Jubbaland.

Jubbaland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ayada oo adeegsanaysa xoogag shisheeye ay burburin Maamul, Amni iyo bulsho ku sameysay Degmooyinka Doolow, Luuq, iyo Beled-xaawo ee Gobalka Gedo, ayna ku khasabtay inay shir u tagaan gudaha Itoobiya, ayna kahor yimaadaan, Dastuurka iyo Xeerarka Federaalka ah ee Dalku lee yahay.

Ugu dambeyntii, War-saxaafadeedkan oo ay soo saareen Wafdiga ka socda Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa loogu baaqay Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in laga hor-taggo qorshayaasha hareer marsan Dastuurka Dalka, oo sababi kara in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye.