Labo sano ka dib mid ka mid ah Wasiiradii kheyre oo arin layaab leh soo bandhiggay (Akhriso)

W/Q: Maamo Khadra Ahmed Duale. Wasiirkii Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha #Somalia.

Waxaan si sharaf leh muddo dheer uga aamusnaa wax ku saabsan Hassan Ali Kheire.

Maadaama uu soo hadalqaado hogaanadeenii hore laga bilaabo 60-yadii. Anigu waxaan kasojeeda qoys wadaniyiin ah. Aabahay waxaa uu ahaa walina yahay wadani Soomaali ah iyo hogaamiye dhab ah. Qoys wax wabarasho iyo wadaniyad lagu abaabiyey oo aan qof kamid ah wali lagusoo eedeyn musuq iyo eex qabiil.

Qibradeyda aqooneed waxaa ay ibartay in Kheyre yahay shaqsi laba-wajiile ah. Mid waa midka qudbado aad u qurux badan umada Somaliyeed ula hortago sida dib u heshiisiin, ladagaalanka qabyaalada, reereysiga iyo musuq maasuqa. Sida dhabta ah waa shaqsi xushmad daran oo kibir badan, qabyaalad iyo musuq-maasuqna kusifoobay.

Waa hogaamiye kusifoobey been iyo eex. Ma ixtiraamo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisa, Wasiiradda, xildhibaanada, aadna wuxuu ugu bogaa marka uu goob-joogayaal u haysto ku tumashadooda iyo bahdilidooda.

Dhabtii, Waxaan u geeyey istiqaaladeydii mar aan dareemay in dunteenu aanay isqaadaneyn. Waa uu iga diiday istiqaaladii aan u geeyey wuxuuna igu yiri ka laabo, maadaama aqoontaada dalku u baahanyahay.

Kadibna wada-shaqeyn dhow baan ku ballanay oo uu ii muujiyey in uu igu garab-siinayo wadashaqeynteena. Waxaa muuqatay in uu la dhacsanaa in uu shaqada iga qaado 10-saac habeenimo, isagoo eeddana dusha kasaaray Madaxweynaha.

Nasiib wanaag, marka lagareebo hadal-haynta bulshada, anigu aad baan fudeyd u dareemay iyo inaan ka nastay 5 sacadood shir gole wasiirro oo bahdilaad ah inaan fadhiyo, intiisa badana been iyo caay uu ku hadlayey.

Waxaa uu soo gudbiyaa xog lasoo been abuuray mar alaale iyo markuu rabo in uu shaqada ka qaado qof masuul ah kadibna wuxuu abuuraa jawi guulwadeyn ah oo ula jeedo in “HAA” loogu codeeyo xataa haddii ay tahay in muwaadin loo gacan geliyo dal shisheeye. Nasiib xumo, xilli dambe ayaan garannay ujeedooyinkiisa gurracan ee ah inuu faraha lagalo shaqada wasiir kasta ilaa heer la gaaray aan la sameyn karin wax horumar ah.

Waxaa kale oo dhaqankiisa maamul xumo ka mid ah inuu isku diro ama iska hor keeno xubnaha golaha wasiirrada asagoo uga dan leh fikaradda duugowday ee ah QAYBI OO XUKUN. Iga rumeyso, waan ku faraxsanahay in shaqadaas leyga qaaday.

Muddadii halka sano ahayd ee aan la shaqeynaysay Kheyre talada ugu badan ee uu isiin jiray waxay ahayd inaanan aaminin Wasiiru dowlaheyga, Wasiir ku xigeenkeyga, Xildhibaannada, Xafiiska madaxweynaha iyo aqlabiyadda golaha wasiirrada.

Markay halkaas marayso, waxaan dareemay inuu yahay hogaamiye anfariirsan oo la heysto. Aqoontayda shaqo iyo isdhaxgalkeena markaan ka hadlo dhabtii waa nin ku dhiirrada dhanihiisa shaqsiga ah wax kasta oo ay ku qaadataba. Soomaaliya waxay astaahishaa si ka wanaagsan sida ay hadda tahay. Dalku waxuu u bahanyahay hogaamiye bisil, aragti fog leh, xaqiiqda ku taagan qowlkiisana ka dhabeeya.

Fadlan ha aaminina hadalkiisa, waa hadal aysan jirin wax ka hooseeya.
Madaxweynuhu waa shakhsi xushmad badan, wuu ku dhegeysanayaa xataa haddii aadnaan isku aragti ka aheyn siyaasadda. Waxaa xaqiiqo ah inuu wax weyn qaban lahaa haddii uu qoran lahaa lataiyeyaal khibrad leh. Waa nin qalbi wanaagsan laakiin wuxuu u baahanyahay inuu helo Ra’iisal wasaare aan waalin tartanna aan kula jirin asaga.

Xasan Cali Khayre waxaa uu ku raaxaystaa inuu noo sheego in asaga uu dalka xukumo, Waxaan umalaynaya in uu dhageysto heestii Beyone “YAA DUNIDA XUKUMA”. Dabcan damaciisa ayaa ka awood badiyey.

Wuxuu xilalka u dhiibaa ciddii asaga daacad u ah ee ma tixgeliyo danta dalka iyo dadka.
Xasan Cali Khayrre waxaa uu abaal mariyaa shaqsiyaadka qasnadiisa bangiga wax ku kordhiya, awood siiya ama xanta cadowgiisa u keena.

Aad beey ii xanuujisaa markaan arko asaga oo weli dadka Soomaaliyeed qaldaaya. Anigu waxaan awoodaa in aan fikirkeyga si xor ah usoo gudbiyo.

Cabsigelin buu dalka kuhayaa. Madaxweynaha wax wanaagsan buu qaban kari lahaa asaga la’aantiis, dalkeennu wax wanaagsan buu mudanyahay. Alle ummadda haka dul qaado xukunka gurracan ee Xasan Cali Khayrre, Soomaaliya muddo dheer ayay dhib ku soo jirtay.