Madaxweynaha Kenya oo isku-shaandheyn ku sameeyay Golahiisa Wasiirada+VIDEO

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay isku Shaandheyn uu ku sameeyay Golihiisa wasiirada isagoo wasiirada qaar isku badalay.

Wasiirkii arrimaha dibadda Monica Juma ayaa loo magacaabay xilka wasiirka Gaashaandhigga halka wasiirkii gaashaadhigga Raychelle Omamo iyana loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda

Sicily Kariuki oo horay u ahaa wasiirkii caafimaadka ayaa loo magacaabay wasiirka biyaha halka Simon Chelugui oo horay u ahaa wasiirka biyaha loo magacaabay wasiirka shaqaalaha.