Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Suldaanka Cusub ee Cummaan (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maalintii labaad ku sugan Sandalada Cuman ayaa waxaa uu la kulmay Suldaanka Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur.

Farmaajo oo shaley Gelinkii dambe gaarey dalka Cumaan ayaa waxaa uu halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer ee Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna geerioyoodey da’da 79 jir.

Madaxweyne Farmaajo iyo Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan Suldaan Haitham bin Taymur ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Cumaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan iyo Shacabka dalkaas waxaa uu uga tacsiyadeeyey geerida Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid.
Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa Saddex maalmood oo barooq-diiq ah oo looga dhawaaqay dalkaas markii u geeriyoodey Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid.