Mareykanka oo ceyriyay 21 ka mid ah Saraakiil uu u tababarayay Sacuudiga.

Dowladda Maraykanka ayaa dalkeeda ka cayrisay Saraakiil ay u tababaraysay Dowladda Sacuudiga iyadoo ku eedaysay in ay xambaarsan yihiin fikir arga gixiso.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Cirka Sacuudiga oo lagu magacaabo Maxamed Saciid Alshamrani, oo 21 jir ah, ayaa horaan dilay seddex badmaax oo u dhashay maraykanka isla markaana dhaawacay sideed kale ka hor inta uusan si xun u rasaaseyn kuxigeenka sheriff inta lagu gudajiray shilkii ka dhacay Pensekaalo, Florida,

Weerarkaasi ayaa saamayn xoogan ku yeeshay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladdaha maraykanka iyo Sacuudiga.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Sacuudiga oo ay uga hadlayso talaabada ay Xukuumada Washington dalkeeda uga soo eriday Saraakiishaasi tababarka uu socday.