Puntland oo bilowday shirar looga hadlayo xoreynta G. Sool.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash), ayaa shir guddoomiyay kulan looga arrinsanayay sidii dib gacanta Puntland si buuxda loogu soo celin lahaa Gobalka Sool, kaas oo ay qeybo kamid ah joogto Somaliland.

Shirkan oo ka dhacay Degaanka Harwanaag ee Gobalka Sool, ayaa waxaa ka qeyb-galay, Wasiiro, saraakiil sare oo kamid ah Ciidanka Dowladda Puntland iyo Saraakiishii hore ee Dowladdii dhexe, kuwaas oo uu  kamid ahaa Gen. Maxamed Siciid Moorgan.

Wararka ayaa sheegaya in intii kulanku socday Masuuliyiintu ay iclaamiyeen in lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Puntland ula soo noqoto gacan ku heynta Magaalada Laas-caanood iyo Degaanada kale ee Gobalkaas ee ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka ka lacag qaata Somaliland.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiishii dowladdii dhexe oo kamid ah guddiga la talinta arrimaha Ciidanka iyo ammaanka ee Madaxtooyadda ay soo jeediyeen inay muhiim tahay in farsamooyin badan loo adeegsado soo celinta Gobalka Sool, ee aan lagu deg deign dagaal kale oo ka dhaca gobalkaas, kaas oo sababi kara xaalad billi-aadanimo oo ka dhacda Gobalkaas, qax iyo burbur dhaqaale.

Puntland ayaa dib u habeyn balaaran ku wada Ciidankeeda Daraawiish-ta, waxaana tababaro iyo qalabeyn ay ku wadaa tiro gaareysa Labo kun, kuwaas oo xogo hoose sheegayaan inay ku wajahan yihiin degaanada dhaca xaduudaha.