Puntland oo kooxo caafimaad u dirtay Gobalka Sool (Sawirro)

Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland oo kaashanaysa hayada Kaalo ayaa maanta labo kooxood oo caafimaad udirtay degmooyinka Xudur iyo Taleex ee gobolka Sool.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in kooxahaan oo ka kala shaqayn doona degaanada Awrbogays iyo nawaaxigeeda iyo degmada Taleex iyo deeganada u dhaw, ay ka qayb qaadan doonaan dawooyinka loo samaynayo dadka dagan deegaanadaas oo xanuuno ay dilaaceen.

Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Sool Abdirahmaan Cumar Cadde oo xarunta wasaaradda ku sagootiyay kooxahaan, ayaa kula dardaarmay inay bulshada degaanada ay tagayaan ay ugu soo caawiyaan sida ugu wangsan.