Shirkada DP world oo ku guulaysatay dacwadii kala dhexeysay Jibuuti

Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay wareeg kale oo sharci ah oo ka dhan ah dowladda Jabuuti oo ku aadan dekeda Doraleh. 

Maxkamaa Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London ayaa ku amartay Jabuuti inay soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo la raacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Shirkadda Doraleh ama labo bilood gudaheed ku bixiso magdhow.

Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha shirkadda DP World in ka badan $ 1 bilyan.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku kacday arrin sharci darro ah markii ay si qasab ah uga saartay shirkadda DP World maarayntii dekeda Doraleh bishii Feberaayo 2018.

Shirkadda DP World ayaa hadda ka sugaysa Jabuuti inay u hogaansaanto xukunkii sharci ee ugu dambeeyay.

22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii.