Duqa K/Gaalkacyo oo ka hor-yimid xil ka qaadista Madaxweyne Xaaf

Duqa Koonfurta Degmada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug Xirsi Yuusuf Barre, ayaa ka hor-yimid xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, isagoona sheegay in xilka qaadista Madaxweyne Xaaf aan waxba ka jirin, isla markaana uu isagu yahay Guddoomiyaha saxda ah ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf ayaa waraaq uu xalay soo saaray ku sheegay inuu xilalkii ka qaaday Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koonfurta Gaalkacyo, isagoona sidoo kale kala diray Golihii Degaanka ee degmadaas, waxaana sidoo kalena uu u magacaabay Maamul KMG ah.

Duqa Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uusan xilligan qaadi karin wax xil ah, una dhiibi karin, isla markaana uu weli yahay Duqa degmada Gaalkacyo Inta laga soo dooranayo Guddoomiye Cusub.

Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre haatan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isaga oo shalay kamid ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweeyey musharax Qoorqoor oo ay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.