Itoobiya oo dhisan doonta Madaarka Diyaaradaha ee ugu weyn Afrika

Shirkadda Ethopian Airlines ayaa shaacisay inay ka dhisayso Magaalada Addis Ababa Garoon diyaaradeed oo caalami ah, kaas oo noqon doona midka ugu weyn Qaarada Africa.

Madaarka cusub, oo ku yaal agagaarka Magaalada Bishoftu, ee Koonfur-bari ee caasimadda Addis Ababa ayaa dhererkiisu yahay 35-KM oo laba-jibbaaran dhul ahaan, waxaana la sheegay inay ku baxayso 5 bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Group, Tewolde Gebremariam, ayaa sheegay inay dhammaystireen aragtidooda ku aadan qorshaha dhismaha garoonkan oo ah (2025), toddobo sano kahor.

Gegada diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa ayaa ah mid kamid ah garoomada ugu mashquulka badan qaaradda Afrika, waxaana uu la kulmaya culeysyo badan, inkasta oo balaarin la sameeyay, sida uu sheegay Madaxa Ethopian Airline.

Mr. Tewolde Gebremariam, ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay garoon cusub si culeyska looga saaro buux-dhaafka, maadama uu kordheyo safarka ganacsatada.

Shirkadda Ethopian Airlines oo haatan 7 sanno jirsatay ayaa kamid ah shirkadaha diyaaradaha ugu waa weyn Afrika, waxaana sanadkii tagay ee 2019, faa’iday dhaqaale dhan 4 bilyan oo dollar, iyagoo ka helay 12 milyan oo rakaab ah oo raacay iyo 432,000 tan oo xamuul ah.