Jubbaland oo soo bandhigtay xubno katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay (Sawirro)

Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta magaalada Kismaayo waxaa ay kusoo bandhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay sheegeen inay isku-soo dhiibeen.

Xubnahaan oo garaya Sideed ayaa waxaa ay u badan yihiin dhalinyaro,waxaana la sheegay in muddo dhowr sano ah ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab,hayeeshee ay kasoo baxeen.

Sarakiil ka tirsan Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in on Xubnahaan ay la soo xiriireen si ay uga soo baxaan Al-Shabaab lana soo dhaweeyey,sidoo kalena la geeyey xarun lagu haayo Xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab.

Jubbaland ayaa maalma ka hor waxaa ay sidaan oo kale u soo bandhigtay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab kana howlgeli jireyu Gobolka Gedo,kaas oo isku soo dhiibaey Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmada Balad Xaawo.