Madaxweynaha Jubbaland oo berri kusoo wajahan Boosaaso.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in maalinta berrito ah kuspp wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulamo yeelan doono Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Deni oo isagu ku sugan magaalada Boosaaso, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada guud ee Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa in si gaar ah diirada lagu saari doonaan Doorashada Dalka ee 2020/2021, iskaashiga Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, iyo sidii Puntland iyo Jubbaland qorshe mideysan uga yeelan lahaayeen xaalada kala guurka ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona degaanada Puntland, isagoona safar dhulka ah (Boosaaso illaa Garoowe) ku wehlin doona Madaxweyne Deni.