Madaxweyne Erdogan: Cashar uu u qalmo ayaan u dhigaynaa Khalifa Haftar

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay cashar u dhigi doonaan jeneralka rabshoolaha ah ee Libya, Khalifa Haftar, haddii ciidamadiisa ay sii wadaan inay weeraraan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli.

Hadallada Erdogan ayaa yimid Talaadadii, kadib markii Turkey iyo Russia ay ku guul-darreysteen in Jeneral Khalifa Haftar ay ka dhaadhiciyaan inuu saxiixo heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjari lahaa dagaalka socda sagaalka bil ee uu ku doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya.

Ra’iisul wasaaraha Libya Fayez al-Serraj, oo ciidamadiisa ay ku adkaatay inay hakiyaan weerarada ciidamada Haftar, ayaa heshiiska saxiixay kadib wada-hadallada oo socday sideed saac, sida uu Isniintii sheegay wasiirka arrimaha dibedda Russia Sergei Lavrov.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Haftar “uu cararay”.

 “Haddii weerarada Haftar ee ka dhanka ah shacabka iyo dowladda sharciga ah ee Libya ay sii socdaan, kama joogsan doonno inaan barno casharka uu u qalmo,” ayuu yiri Erdogan oo khudbad u jeediyey xildhibaanada baarlamanka ee xisbigiisa AKP.

“Waa wajibkeena inaan bad-baadinno walaalaheen Libya,” ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa sidoo kale shalay sheegay in go’aanka uu Jeneral Khalifa Haftar, ee ah inuusan heshiis xabad joojin ah la gelin dowladda Libya ee caalamka aqoonsan yahay, uu muujinayo cidda dagaalka dooneysa iyo tan nabadda rabta ee dalkaas.

Baarlamanka Turkey ayaa horraantii bishan ansixiyey in dowladda ay ciidamo gayso Libya, si ay uga caawiso dowladda dalkaas inay iska caabiso weerarada Jeneral Haftar.