Puntland iyo Itoobiya oo shir uga furmay Wardheer

Shir u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Itoobiya, ayaa ka furmay Magaalada Wardheer ee Gobalka Doollo, kaas oo looga hadlayo xariirkii u dhexeeya labada dhinac.

Shirkan ayaa waxaa Puntland ku matalaya Puntland Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorshaynta, ganacsiga,Wasiir ku-xegeenka Amniga, La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Madaxwaynaha,iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland.

Dowladda Itoobiya ayaa shirkan waxaa ku matalaya Wafti heer Federaal ah oo uu hoggaaminayo Qunsulka Itoobiya u fadhiya Puntland, ku-xigeenka Hogaanka Nabad-galyada Dowlad Degaanka, Gudoomiyaha Gobalka Doollo iyo taliyayaasha Ciidamada ammaanka DDS.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa Arrimaha Amniga, Ganacsiga, isdhexgalka Bulshada 2 daraf,Iyo dhismaha Kastamka Tuur-Dibi iyo waddada Wardheer ilaa Garacad.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.