Puntland iyo UNICEF oo ka wada-hadlay arrimaha caafimaadka (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Jamac Farax Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dr Penelope Canbel madaxa caafimaadka hay’adda UNICEF Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Puntland iyo  madaxa caafimaadka UNICEF ayaa ka wada-hadlay wada shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda Caafimadda iyo Hay’adda UNICEF iyo qorshaha sanadka bilawday in la isla meel dhigo.

Wasiir Jamac Faarax ayaa uga mahad-celiyay hay’adda UNICEF wada shaqaynta wanagsan ee kala dhaxaysa Wasaaradda iyo sida ay muhiim ugu tahay, waxaana uu la wadaagay wixii qabsoomay sanadkii dhamaaday iyo waxa aan qabsoomin ee sanadkaan la doonayo in la qabto.

Sidoo kale, Wasiirka Caafimaaka ayaa la wadagaay waxyaabaha ay doonayaan inay ka wada shaqeeyaan sanadka cusub ee qorshaha wasaaradda u dagsan iyo baahiyaha ugu waaweyn ee jira .

Dr Penelope Cambel, madaxa caafimaadka UNICEF Soomaaliya ayaa ku amaantay dhankeeda Wasaaradda caafimaadka Puntland, wada shaqayntooda, iyadoona sidoo kale bogaadisay waxa qabsoomay sanadkii dhamaaday iyo in wasiirka uu la wadaago qorshayaasha wasaaradda ee sanadka 2020, ayna diyaar u yihiin wada shaqaynta in la sii labo jibaaro.”

Wasaaaradda iyo hay’adda UNICEF ayaa isla meel dhigay wixii laga wada hadlay, waxaana la isla qaatay in la laba jibaaro shaqada socotay wixii caqabadaha oo jirayna meesha looga saaro.