Puntland oo waddo howlgallo ay ku buufinayso Ayaxa (VIDEO)

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland ayaa  dooxooyinka u dhexeeya deegaanka Hadhwanaag iyo Degmada Boocame ee gobolka Sool, ka wada dadaalo ay kula tacaaleyso Ayaxa ku habsaday Dhuldaaqsimeedka iyo Beeraha qaarkamid ah deegaanada kala duwan ee Puntland.

Kooxaha ka socda Wasaaradda Degaanka Puntland ayaa istimcaalaya Sunta baabi’inta Ayaxa oo ah Sun aanan saamayn ku lahayn dadka iyo Beeraha, waxaana howlgalkan uu ka socda Degaano badan oo katirsan Puntland, Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada  Puntland.

Wasiir Ismaaciil Diiriye Gamadiid, oo booqday degaanada uu howlgalka la dagaanka Ayaxu ka socda, ayaa sheegay in Ayaxa ku habsaday Degaanada Puntland  iyo Guud ahaan Soomaaliya uu kasoo kicintimay Dalka Sacuudi Carabiya, ayna howlgalka ay kula dagaalamayaan uu sii soconayo illaa laga baabi’iyo.