Taariikhda Doollo Qeybtii 1-aad (Wardheer) W/Q: Muxyadiin Mursal Erag

Magaalada Wardheer Waxaa Taariikh-yahannadu Ku tilmaaman inay jirto Ku dhawaad 2-bo Qarni 160-sano Bilowgeedii

Wardheer Waa Dhulbaraha Shanta Soomali Wayn Waxay ujirtaa Magaalooyinka Muqdisho 1,100-Km Jabuuti 1,100-km Bosaaso 1,100 Fogaan Dhan Wardheer Caan Waxay ku thy Ceelal dhaadheer iyo Ciid Cas/guduudan Waxaa Suugaanta Dadka Soomaaliyed oo Ah Meesha Kaliya ee Taariikhda Qoomiyada Soomalida ay ku kaydsan thy kabuuxa soo halqabsiga Magaca Wardheer”Wadan Kala wanaagsane Wacan Ciidii Loo bogay Hareerigii Wacnaa-iyo aad wal-waal aragtide yaa Wardheer Kusoo-bara” Waa mid ka mid ah Heesaha Soomaaliyed ee Wardheer Caanka ku thy

Ceelasha Wardheer Kuyaal Taariikh dheer ayay Qaarkood Leeyihiin sida Ceelka dheer ee CAMUUD oo Ah Ceelkiii ay Ka bilaabatay Silsiladii GUBA ee Cali dhuux aadan Bilaabay Kuna bilaabatay”Cartanay Camuud Layska qaad Ceelkii Reer Magane….” Labiile Sonkor Abeer ayaa kamid ah Ceelasha Dhaadheer biyahana macaan ee Wardheer Caanka ku thy

Magaalada Wardheer Waa mid kamid ah Saldhigyadii adkaa ee Halgankii Sayid Maxamed Abdille Xasan waxaana Lagu tilmaamaa inay thy Meeshii 2aad ee ingiriis Ku weeraray Diyaarad Dhulka Soomaaliyeed oo ah Meel aan sidaa uga fogayn Wardheer oo Hadda ah Magaalo Cagaarwayne Ladhaho Halkaas oo leh buuro sayidku Dagsaday ciidankiisii Khayraad badana Hadda Ku Duggan yahay Sida La sheego Wardheer Waxay Dhacdaa Hadda Bariga Soomaali-Galbeed iyo Galbeedka Jamhuuriyadda Xorta ah ee Somalia

Wardheer Xarunta Doollo Waa halkii 1Aaad ee uu ka qarxay Dagaalkii “Galaaay iyo Kabaxaay” ee 1977-kii ee dhexmaray Dadka soomaaliyed iyo Gumaysigii Abasiiniyo/mingiste Waa Goobtii 1Aaad ee Xooggii Dalka Soomaliyed ay Xoogg Kula wareegeen una Dabaal dagtay Guushii Hornimada Soomaali-Galbeed😭😭

Nasiiib Darro Reer Wardheer Guuushaad umaysan Raagin Dabaal dagii maalinkaas iyo mashxaradiii Haweenkii Soomaliyed ee Wardheer Ilmo iyo dhiig ayaa uxigay “Kabaxaydii” Kadib Wardheer ninkiii yaqaanbaa yaqaane Waxay ku caantahay Dow’ ay kamid yihiin Dow-Balli Dow-guduud iyo Qaarkle

Wardheer Hadda Waa Xarunta Gobolka Doollo ee Bariga Soomaali-Galbeed oo leh Xuduud-dheer Waxay Gobolkaan Ka dhacdaa/Kaga taalaa Galbeed Quman/toosan

Wardheer Warkeeda Aragnaye Wanaageeda Hormar Waa Sidee 2-Qarni ku dhawaad Kadib?

Lasoco Qaybta 2Aaad Taariikhda Doollo

Qalinkii (BY MM) Muxyadiin Mursal Ereg