Xukuumadda Kheyre oo looga adkaaday qorshaha Doorashada Galmudug iyo Qoor-Qoor oo is casilay

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, maadaama uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Mr. Qoor-Qoor ayaa ah musharaxa ay wadato Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada Galmudug, waxaana la filayaa in lacag badan oo la siinayo Xildhibaanada codeynaya ay ku baxdo sidii uu ugu soo bixi lahaa xilkan.

Sidoo kale, Dowladda ayaa isku dayday in xildhibaanada ay soo xulayeen odayaasha qaarkood ay beddesho, si ay u xaqiijiso in lasoo magacaabo Xildhibaano Xukuumadda Federaalka ku aragti ah, inkasta oo qorshahaas aanu guuleysan.

Doorashada Galmudug ayaa la filayaa inay noqoto mid adag, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in lama filaan uu ka dhici karo, lagana yaabo in Xukuumadda looga adkaado.