Al-Shabaab oo weerartay Ajaanib macdan ka guraneysay Buuraleyda Cal-madow ee Puntland

Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar dhabo gal ah ku qaaday Masuuliyiin kamid ah Dowladda Puntland, kuwaas buuraha Cal-madow ee Gobalka Sanaag, sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Ciidanka Amniga Puntland.

Weerarkan oo ahaa mid kooban ayaa shalay ka dhacay degaanka Ulxeed oo ka tirsan Buuraleeyda Calmadow, gaar ahaanna dhulka loo yaqaanno Macagta ee hoos yimaada gobolka Sanaag, waxaana la sheegay in uusan ka dhalan khasaare nafeed, marka laga soo tago gaari CABDI-BILE ah oo ka carareen Masuuliyiintu, kaddibna ay gubeen Shabaabku.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in Masuuliyiinta Puntland ee la weeraray ay la socdeen rag cadaan ah, ayna guranayeen macdan, waxaana ay intaas ku dareen inay weerarkaas geysteen maleeshiyaad Degaanka kasoo jeeda.

Warar hoose oo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegaya in gaariga Cabdi-bilaha ah ee weerarkaas lagu gubay uu lahaa Duqa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, ayna weteen maleeshiyaad ku beel ah oo galbinayay Masuuliyiinta iyo Khuburo ajaanib ah oo dhag-xuun macdan ah guranayay.

Buuraleyda Degaanka Puntland ee Cal-madow iyo Cal-miskaat ayaa waxaa lagu tilmaamaa inay ku jirto macdanta ugu badan ee Soomaaliya, waxaana gabaad ay u yihiin Unugyo kamid ah Ururada Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo weeraro joogto ah kala kulma Ciidanka Amniga iyo Sirdoonka Puntland.