Axmed Madoobe oo soo gaaray Boosaaso

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa goor-dhaweyd soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, xubno kamid ah labada gole ee Dowladda, Maamulka Gobalka, kan degmada Boosaaso, iyo boqolaal shacab ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta kuu ku sugan Boosaaso, kulamo la yeelanaya Madaxweyne Deni, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada guud ee Soomaaliya, gaar ahaan Doorashada Dalka ee 2020/2021, iskaashiga Siyaasadda, iyo sidii Puntland iyo Jubbaland qorshe mideysan uga yeelan lahaayeen xaalada kala guurka ee dalka.