Baarlamaanka Ruushka oo ka doodaya ansixinta Ra’iisulwasaaraha cusub

Baarlamaanka Ruushka ayaa maanta bilaabaya in u ka doodo ansixinta musharaxa uu madaxwaynaha dalkaas, Vladimir Putin, u magacaabay xilka raysul wasaare ee dalkaas.

Putin ayaa madixii hore ee waaxda canshuuraha federaalka Ruushka Mikhail Mishustin xilkan u magacaabay kadib is casilaadii lama filaanka ahayd ee uu maalinnimadii Arbacada ahayd soo gudbiyay raysul wasaarihii hore ee dalkaas Dmitry Medvedev iyo golihiisa wasiirrada kadib markii uu Putin ku dhawaaqay qorshe balaadhan oo uu doonayo in uu isbadallo balaadhan ku sameeyo dastuurka dalkaas.

Putin ayaa sheegay in uu qorshaynaya in uu dastuurka dalkan ku sameeyo is badalkii u waynaa ee lagu sameeyo tan iyo sanadii 1993 kaas oo uu sheegay in loo qaadi doono afti dad wayne si loo ansixiyo.

Badalakn ayaa hadii la ansixiyo xoojin doona nidaamka baarlamaaniga ah ee dalkan iyada oo uu dawrka madaxwaynaha sidiisa u awood badnaan doono wuxuuna awooda soo xulida raysul wasaaraha siin doonaa xildhibaanada baarlamaanka dalkaas.

Qorshahan uu Putin soo jeediyay ayaa dhaliyay dood ku aadan dawrka uu Putin doonayo in uu ka qaato siyaasadda dalkan marka la gaadho sanada 2024ka marka ay soo idlaato mudada uu xikaas haynaya.