Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka UK oo kulan yeeshay (Sawirro)

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender ayaa gaaray magaalada Hargeyso ee xarunta Maamulka Somaliland, isagoona kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Danjire Ben Fender  iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, arrimaha Doorashooyinka Somaliland oo haatan khilaafyo badan ka taagan yihiin, iyo sidii Dowladda UK u kordhin laheyd taageerada ay siiso Somaliland ee dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, iyo Waxbarashada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka UK ay isla soo qaadeen dib u soo celinta wada-hadalada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo aan qabsoomin tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, Somaliland ayaana u gudbisay safiirka dacwad ka dhan ah Xukuumadda Federaalka.

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Somaliland, oo ay ka dhexeyso wada-shaqeyn iyo xiriir dheer.