Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Nabaddoono iyo Dhalinyaro ku xirnaa Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa cafis u fidiyey 34 dhalinyaro oo ku xirnaa xabsiga wayn ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, kuwaas oo laamaha ammaanku bil kahor gacanta ku dhigeen kuna eedeeyeen khalkhal gelin amaan .

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa cafis u fidiyay, dibna u helay xoriyadoodii Shan nabadoon oo ay kamid yihiin Nabadoon Cabdicasiis Baydhabood, Nabadoon Cabdulaahi Yusuf iyo Nabaddoon Cawad Ceel iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo dhawaan maxkamadda Darajada koowaad ee Gobalka Bari xukuno xarig iyo ganaax isugu jira ku riday.

Odaashan xukunada kala duwan lagu riday ee dib xoriyadooda u helay ayaa kamid ahaa waxgarad iyo siyaasiyiin Warbaahinta marar kala duwan ka hadlay, kuwaas oo xukuumadda dhaliilo u soo jeediyey .