Masar oo bilawday inay Gaaska ka soo dhoofsato Israel

Masar ayaa maalinnimadii Arbacada ahayd bilawday in ay gaaska dabiiciga ah ka soo dhoofsato ceelasha gaaska dabiiciga ah laga qodo ee Levanthian ee uu gacanta ku hayo guumaysiga Israaiil.

Talaabadan ayaa daba socota heshiis ay xukuumadda Masar iyo Shirkadaha Noble energy ee uu fadhigeedu yahay dalka Maraykanka iyo Delek Group wada saxiixdeen sanadii 2019ka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in ay labadan shirkadood Masar usoo dhoofiyaan 85 trilyan oo litir oo gaaska dabiiciga ah 15ka sano ee fooda inagu soo haya gudohood.

Gaaskan ayaa Masar loo soo marin doonaa dhuumaa shidaal ee isku xidha koonfurta Israaiil iyo jasiiradda Sinai kuwaas oo harabtoodii loo dhisay in shidaalka Masar loogu dhoofiyo Israaiil hasayeeshee ay gacan-ku-hayntooda iibsadeen labadan shirkadood ee heshiiskan qaybta ka ah sanadii 2018ka kadib 6 sano oo uu hakad galay adeegsiga dhuumahan.

Gaaskan ayay xukuumadda Masar sheegtay in qayb kamid ah laga adeegsan doono gudaha Masar halka qayb kamid ahna loo dhoofin doono dalalka Yurub oo iyagu si wayn u doondoonaya badal ay kaga maarmaan gaaska ay ka soo dhoofsadaan Ruushka.

Masuuliyiinta Israaiil ayaa dhaqan galinta heshiiskan ku tilmaamay horumarkii u balaadhnaa ee ku yimaada xidhiidhka labadan dhinac u dhexeeya tan iyo heshiiskii nabadeed ee ay saxiixdeen sanadii 1979ka.