Musharixiinta Guddoonka Baarlamaan Galmudug oo maanta khudbahooda jeedinaya

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, kuwaas oo gaaraya 7 Musharax oo shalay is diiwaan-galiyay.

Musharixiinta oo taariikh nolaleedkooda la wadaagaya Xildhibaanada cusub ee Galmudug, ayaa 3 kamid ah u sharaxan yihiin qabashada xilka Guddoomiyaha, halka 2 ay u taagan yihiin Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad u sharaxan 2 Xildhibaan.

Musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa kala ah;

Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal

Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan 

Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow

Doorashada Guddoonka Baarlamaan Galmudug ayaa sida qorshuhu yahay dhacaysa maalinimada berrito ah, waxaana aad loo adkeeyay amniga Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulkaas.