Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Axmed Madoobe oo saaka ka socota Boosaaso

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in maanta soo gaaro  magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana socota qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo boqolaal shacab ah ayaa la filayaa inay kusoo dhaweeyaan Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso, iyadoona intaas kaddib loo galbin doono Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona Magaalada Boosaaso ayaa kulamo la yeelan doono Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada guud ee Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa in si gaar ah diirada lagu saari doonaan Doorashada Dalka ee 2020/2021, iskaashiga Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, iyo sidii Puntland iyo Jubbaland qorshe mideysan uga yeelan lahaayeen xaalada kala guurka ee dalka.

Sidoo kale  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay Boosaaso la kulmi doona Waxgaradka  iyo Siyaasiyiinta Reer Puntland, waxaana la filayaa inuu safar dhulka ah (Boosaaso illaa Garoowe) ku wehlin doona Madaxweyne Deni.