Ra’iisul Wasaarihii Ruushka iyo Golihiisii wasiirada oo is-casilay

Raiisul Wasaarah Ruushka Dmitry Medvedev ayaa ku dhawaaqay in dowladda oo dhami ay is casishay, saacado uun kadiib markii khudbadiisii sanadlaha aheyd uu jeediyay Madaxweynaha Ruusha Vladimir Putin.

Madaxweyne Putin ayaa aqbalay iscasilaadooda, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirrada shaqadooda adag wuxuuna ka codsaday inay sii shaqeeyan ilaa mid cusub laga dhisi doono.

Go’aanka iscasilaada ah oo hadal-heyn badan abuuray ayaa loo maleynayaa inuu yimid, kadib markii Madaxweyne Putin uu soo jeediyay in wax laga baddalo dastuurka Ruushka, si loo xaddido madaxweynaha inuu laba waqti xafiiska yimaado.

Qorshaha Putin, ayaa in aqalka hoose ee baarlamaanka – la siin doono awood ay ku magacaabaan ra’iisul wasaaraha iyo golaha intiisa kale, iyada oo laga soo horjeedo kaliya in la oggolaado murashaxnimadooda sida ay hadda tahay.

Medvedev wuxuu noqday ra’iisul wasaare 2012, ka dib markii uu afar sano madaxweyne ahaa. Hada wuxuu madax u yahay xisbiga talada haya ee United Russia.