Soomaaliya iyo QM oo ka wada-hadlay kordhinta taageerada (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay , Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Q.M isla markaana ah Iskuduwaha arrimaha bani’aadannimada ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Danjire Cawad iyo Adam Abdelmoula ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada lagu doonayo in lagu sameeyo iskaashi waxgal leh iyo taageero hey’ad si kor loogu qaado heerka gargaarka bani’aadannimo iyo barnaamijyada horumarinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Qaramada Midoobey uga mahad celiyey taageerada joogtada ah oo ay had iyo jeer siiyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.