Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha XFS oo is-casilay, eedeeyna u jeediyay Kheyre (VIDEO)

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye, oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, maadama uu yahay Musharax u taagan qabashada Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Mr. Wehliye ayaa u mahad-celiyay Madaxda dowladda Federaalka, isagoona sheegay in si wanaagsan ay u wada shaqeeyeen inta uu xilka hayay.

Musharax Cabdullaahi Faarax, Wehliye,  Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shalay eedeyn kulul u jeediyay Xukuumadda Federaalka ee uu ka tirsanaan jiray, waxaana uu sheegay inay af-duub ku heysato Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug, isagoona ka digay in Galmudug dib loogu celiyo meeshii ay horey u tiilay iyo kala qeybsanaanta ragaadisay.

Doorashada Maamulka Galmudug ee lagu waddo inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb dhowaan, ayaa u muuqata mid si adag loogu loolami doono, Xukuumadda Federaalka ayaana lagu dhaliilayaa inay af-duub ku heysato Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug, iyadoo doonaysa inay codka siiyaan musharaxa ay wadato.